advertisements


Ciidanka Danab oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Cabirka Farta

Ciidanka Danab oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Sabti, October 10, 2026 (HOL)  – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Yaaq-shabeel ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay xogta laga bixiyay howlgalka.

Howlgalkan ayaa ka dhacay tuulada Yaaq-shabeel, oo qiyaastii 13 kiiloomitir u jirta deegaanka Kam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa bartilmaameedsaday goob ay kooxdu ku lahayd deegaanka.

Intii uu howlgalka socday, waxaa la dilay Cabdullaahi Yaroow, oo la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha sare ee Al-Shabaab, islamarkaana ka howlgalayay deegaannada iyo dhulka miyiga ah ee galbeedka gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale, ciidamada Danab ayaa howlgalka ku soo qabtay Cabdifataax Maxamedppp oo sida xogta la bixiyay lagu sheegay inuu ka tirsanaa kooxda, kana howlgalayay deegaannada galbeedka gobolka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, laguna doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda laguna xoojiyo amniga deegaannada gobolka.