Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga difaaca

Cabirka Farta
Maqal
0:00
0:00

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga difaaca

Talaado, May 5, 2026 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul kulan laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Yaşar Güler, intii uu ka qeybgalayay bandhigga warshadaha difaaca ee SAHA 2026.

Labada wasiir ayaa kulankoodii Istanbul markale ku adkeeyay in la sii xoojiyo iskaashiga difaaca, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa daba socday heshiisyo hore oo dhinaca difaaca ah oo labada dal kala saxiixdeen. Soomaaliya iyo Turkiga waxay Ankara ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi difaac iyo dhaqaale ah oo soconaya 10 sano, kaas oo diiradda saaraya dhismaha, tababarka iyo qalabaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan awoodda ciidamada badda si loo ilaaliyo xeebaha dalka, loogana hortago kalluumaysiga sharci darrada ah, burcad-badeedda iyo khataraha kale ee badda. 

Heshiiskaas waxaa 2024 ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halka Turkiguna uu bishii Luulyo 2024 kordhiyay joogitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya si loo sii wado tababarka, taageerada amniga iyo dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliyeed. 

Turkiga ayaa haatan ku howlan howlgal shidaal looga soo saarayo xeebaha Soomaaliya, kaasoo la filayo in 9 bilood kaddib la soo saaro shidaalkii ugu horreeyay oo Soomaaliya ay leedahaay.