Cumar Cabdirashiid oo dowladda iyo mucaaradka ugu baaqay is-xakameyn

Cabirka Farta

Cumar Cabdirashiid oo dowladda iyo mucaaradka ugu baaqay is-xakameyn

Khamiis, Juun 4, 2026 (HOL) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya xiisadda siyaasadeed ee dalka inay muujiyaan is-xakameyn, isagoo ka digay in sii hurinta khilaafka ay khatar gelin karto xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore u soo martay xaalado la mid ah kuwa hadda taagan, islamarkaana casharrada laga bartay ay muujinayaan in wada-hadal iyo siyaasad loo dhan yahay ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka.

Wuxuu xusay in dalka oo weli wajahaya khatarta Al-Shabaab uusan awoodin khilaaf hor leh, isagoo ka digay in sii kordhinta xiisaduhu ay horseedi karto kala qaybsanaan dheeraad ah, gaar ahaan hay’adaha amniga.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale ku baaqay in mudaharaadyada la qorsheeyay ay u dhacaan si nabad ah, isaga oo sheegay in dowladda ay saaran tahay masuuliyadda ugu weyn ee dejinta xaaladda iyo ka hortagga isku dhacyo cusub.

Waxa uu ugu dambeyn ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay si xal waara loogu helo khilaafaadka ka taagan arrimaha doorashooyinka.