Ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo duqeyn dhanka cirka ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Cabirka Farta

Ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo duqeyn dhanka cirka ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Talaado, January 13, 2026 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal dhinaca cirka ah oo Xalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ka fuliyeen deegaanka Jabad Godone ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday goobo Al-shabaab kasoo abaabuli jirtay qaraxyada iyo weerarada lagu dhibaateeyo dadka shacabka. 

Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in howlgalkaasi kooxda looga  dilay ilaa 17 xunbood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu xusay in howlgalkan duqeynta ahaa lagu gebi ahaanba la burburiyay hub iyo gaadiid ay kooxdu u adeegsan jirtay falalkooda guracan oo ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalo si joogta mudooyinkii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uga wadeen deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran:-

Ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo duqeyn dhanka cirka ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab