Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 70 Dagaalame oo Shabaab ka tirsan lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Mudug

Cabirka Farta

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 70 Dagaalame oo Shabaab ka tirsan lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Mudug

Khamiis, Abriil 9, 2026 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanayay kuwa saaxiibada caalamiga ah, ayaa fuliyay weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab meel u dhow deegaanka Tawarmooge ee gobolka Mudug.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, weerarkan ayaa lagu burburiyay koox ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo isku uruursanaysay deegaankaas, oo qiyaastii 8 km koonfur kaga beegan Caad, isla markaana 45 km woqooyi kaga beegan degmada Xarardheere.

Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in goobta la beegsaday ay ahayd xarun ay inta badan Alshabaab ku diyaariso weerarrada ka dhanka ah amniga.

Wararka horudhaca ah ayaa tilmaamaya in ku dhawaad 70 dagaalame lagu dilay duqaynta, oo ay ku jiraan xubno sare, halka inta u dhexeysa 90 ilaa 95 kale la dhaawacay. Sidoo kale, ugu yaraan siddeed gaari oo ay ku jiraan kuwa sahayda sida ayaa la burburiyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in hawlgallada noocan ah ay qayb ka yihiin dadaallo joogto ah oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda si loo xoojiyo amniga dalka.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmay, iyadoo kooxda Alshabaab ay dhaqdhaqaaqyo ka wadday degaanada Koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 70 Dagaalame oo Shabaab ka tirsan lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Mudug