
Arbaco, Abriil 8, 2026 (HOL) - Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay ku dhawaaqista heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa dadaallo lagu dejinayo xiisadaha isla markaana lagu xoojinayo nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyey doorka Maraykanka ee ku aaddan dhiirrigelinta is-xakamayn iyo wadahadal, halka sidoo kale la ammaanay Iiraan oo lagu sheegay inay taageertay waddo diblomaasiyadeed oo horseedi karta xasillooni waarta.
Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay qaddarin gaar ah oo ay u hayso dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Sacudi Carabiya, Turkiga iyo Masar, kuwaas oo lagu sheegay inay door muuqda ka qaateen dadaallada dhexdhexaadinta ee horseeday heshiiska.
Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in xasilloonida Badda Cas iyo guud ahaan gobolka Khaliijka ay si toos ah ugu xiran tahay danaha dalka, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo hirgeliyo loona ixtiraamo heshiiska xabbad-joojinta.
Waxay sidoo kale ku baaqday in la sii wado wadahadallo miro-dhal ah si loo gaaro xal waara, iyadoo xustay in amniga marinnada badda iyo socodka ganacsiga caalamiga ahi ay laf-dhabar u yihiin xasilloonida gobolka iyo dhaqaalaha adduunka.
Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan xallinta khilaafaadka si nabadeed, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha, iyo doorka muhiimka ah ee diblomaasiyaddu ku leedahay wax ka qabashada qalalaasaha caalamiga ah, iyadoo hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo mabaadi’da Qaramada Midoobay.
Dowladdu waxay sheegtay in xabbad-joojintan aan loo arkin gunaanad, balse ay tahay saldhig muhiim ah oo gogol u ah dhismaha nabad waarta oo ku dhisan wadahadal, is-ixtiraam iyo masuuliyad wadajir ah.
Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda, lagu dhimayo xiisadaha, laguna horumarinayo xasilloonida gobolka.