Maamulka Gobolka Banaadir oo mamnuucay in ardayda kasoo daahda waxbarshada ciqaab ahaan albaabka looga xiro

Cabirka Farta
Maqal
0:00
0:00

Maamulka Gobolka Banaadir oo mamnuucay in ardayda kasoo daahda waxbarshada ciqaab ahaan albaabka looga xiro

Arbaco, Abriil 8, 2026 (HOL) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in ardayda ka soo daahda dugsiyada lagu ciqaabo in albaabbada laga xiro, taasoo uu sheegay in ay tahay mid lagu ilaalinayo xuquuqda waxbarasho ee carruurta.

Go’aankan ayaa yimid kaddib kulan ay yeesheen Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo maamulayaasha 48 dugsi dadweyne, kaasoo diiradda lagu saaray horumarinta tayada waxbarashada iyo xal u helidda caqabadaha jira.

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cali Maxamed, ayaa sheegay in si wadajir ah la isla gartay in la joojiyo dhaqanka ardayda dibadda looga celiyo marka ay soo daahaan, maaddaama ay taasi saameyn ku yeelan karto waxbarashadooda iyo mustaqbalkooda.

"Waxaan Mamnuucnay in ardayda kasoo daahda goobaha waxbarashada ciqaab ahaan albaabka looga xiro" ayuu yiri Agaasime Cabdiraxmaan.

Wuxuu xusay in dugsiyada laga doonayo inay sameystaan habraacyo u gaar ah oo lagu maareeyo ardayda soo daahda, iyada oo aan laga hor istaagin inay galaan fasalladooda.

“Dugsi kasta waa inuu yeeshaa nidaam u gaar ah oo lagu maareeyo ardayda soo daahda, balse lama aqbali doono arday yuunifoom xiran oo albaabka dugsiga laga celiyo,” ayuu yiri, agaasimuhu isagoo xusay in arrintaasi saameyn ku yeelan karto mustaqbalka waxbarasho ee ardayda.

Agaasimaha ayaa sidoo kale ugu baaqay waalidiinta inay door muuqda ka qaataan diyaarinta ubadkooda, isla markaana ku dhiirrigeliyaan ilaalinta waqtiga si loo yareeyo dib u dhaca joogtada ah.

Go’aankan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka gobolka Banaadir uu ku doonayo inuu kor ugu qaado tayada waxbarashada iyo helitaanka adeeg waxbarasho oo loo siman yahay.