
Talaado, Abriil 7, 2026 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa si kulul ugu eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay wado qorshe siyaasadeed oo lagu wiiqayo nidaamka federaalka, isagoo sheegay in talooyin ka imaanaya mas’uuliyiin ku dhow Xasan Sheekh Maxamuud ay muujinayaan isku day lagu doonayo in dalka loo kala qeyb qeybiyo gobol gobol.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hadallo kasoo yeeray mid kamid ah la taliyayaashiisa madaxweyne Xasan Sheikh oo lagu magacaabo Sheikh Cali Wajiis uu u soo jeediyay in dowladda Federaalka ay si toos ah u maamusho gobollada dalka, taas oo uu madaxweyne Deni ku tilmaamay mid khatar ku ah jiritaanka nidaamka federaalka.
Deni wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasaddaas ay tahay mid uu mas’uul ka yahay madaxweynaha Dowladda federaalka, islamarkaana ay jiraan caddeymo muujinaya in fikraddan meelo kala duwan laga faafiyay.
“Hadallada kasoo baxaya Cali Wajiis oo aan aaminsanahay inuu la qabo madaxweyne Xasan Sheikh waxay ku talinayaan in deegaannada Puntland lagu kala maamulo gobol-gobol oo ay dowladda federaalku si toos ah u xukunto," ayuu yiri madaxweyne Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka digay in la burburiyo nidaamka dowladeed ee muddo dheer la soo dhisayay, isagoo xusay in Puntland ay dhistay hay’ado dowladeed iyo kuwo amni muddo ka badan labaatan sano. Wuxuu tilmaamay in isku day kasta oo lagu dumiyo nidaamkaas uu halis gelinayo xasilloonida iyo horumarka la gaaray.
Deni wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku wada noolaan karaan oo keliya heshiis ay ku mideysan yihiin, balse aysan suurtagal ahayn in lagu khasbo nidaam aysan ku qanacsaneyn. Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay damacsan tahay in ay si gaar ah u maamusho khayraadka dabiiciga ah ee ku jira deegaannada Puntland, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, islamarkaana ka hor imaaneysa heshiisyadii lagu dhisay dowladnimada Soomaaliya.