Soomaaliya oo Golaha Xuquuqda Aadanaha ka Cambaareysay Xadgudubyada RSF ee Suudaan

Cabirka Farta

Soomaaliya oo Golaha Xuquuqda Aadanaha ka Cambaareysay Xadgudubyada RSF ee Suudaan

Arbaco, September 9, 2026 (HOL) - Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee lagu eedeeyay ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee Suudaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka loona helo xal siyaasadeed oo ay Suudaaniyiintu hoggaaminayaan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva, Khadra Maxamed Dualle, ayaa hadalkan ka jeedisay kulan ka dhacay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayay warbixintii ugu dambeysay ee guddiga xaqiiqo-raadiyaha ee Suudaan.

Soomaaliya waxay sidoo kale ku baaqday in dadka ay colaadaha saameeyeen loo fududeeyo helitaanka gargaarka bani’aadannimo, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelata xadgudubyada ka dhanka ah rayidka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageersan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suudaan, iyadoo sidoo kale diidday faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalkaas.

Muqdisho waxay taageertay dadaallada Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ee lagu raadinayo xal nabadeed oo lagu soo afjaro colaadda Suudaan.

Hadalkan ayaa yimid xilli warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ay ka digtay doorka shabakado dibadeed oo hub, tababar iyo taageero saadka ah siiya dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan, taas oo sii kordhisay dhibaatada dadka rayidka ah.

Dagaalka Suudaan ayaa sababay barakac ballaaran iyo xaalad bani’aadannimo oo sii xumaanaysa, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 200,000 oo qof ay barakaceen tan iyo dabayaaqadii 2025.

Kulanka Golaha Xuquuqda Aadanaha ayaa qeyb ka ah kalfadhiga 63-aad ee Golaha, kaas oo ka socda Geneva inta u dhaxaysa 7-da Sebtembar iyo 7-da Oktoobar 2026.