
Arbaco, September 9, 2026 (HOL) - Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa magaalada Gabiley ku xidhay wariye Xasan Saleebaan Haaruun, oo loo yaqaan Xasan Galaydh, ahna mulkiilaha Galaydh TV, sida ay sheegayaan ilo ku dhow wariyaha.
Xasan Galaydh ayaa la sheegay in laga soo qabtay magaalada Gabiley, halkaas oo uu u joogay safar shaqo. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee loo xidhay iyo halka lagu hayo.
Wararka ayaa sheegaya in xadhiggiisa lala xidhiidhinayo hadal uu maalin ka hor magaalada Hargeysa ka jeediyay, kaas oo uu isaga iyo wariyayaal kale ugu baaqeen Xukuumadda Somaliland inay sii deyso wariye Cabdiqani Baylood, oo dhawaan la xidhay.
Xasan Galaydh ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsaday in la sii daayo Baylood, isaga oo xusuusiyay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xilligii uu mucaaradka ahaa, uu si weyn uga soo horjeeday xadhigga iyo cadaadiska loo geysto saxafiyiinta.
Xadhigga Xasan Galaydh ayaa dhaliyay falcelin ballaadhan iyada oo xukuumada aad loogu dhaliilay. Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa kamid ah dadka cambaareeyay xadhigga, isaga oo ku baaqay in wariyaha iyo suxufiyiinta kale xorriyaddooda loo soo celiyo. “Xadhigga noocan ah, ceeb iyo qiimo la’aan wax aan ahayn xukuumaduhu kama qaadaan. Waxaan ku baaqayaa in weriye Xasan Gallaydh iyo suxufiyiinta kale ba xoriyaddooda loo soo celiyo. Xadhiggani macquul ma aha!”
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Somaliland ka taagan tahay dood ku saabsan xorriyadda hadalka iyo sida ay xukuumaddu ula macaamilayso warbaahinta iyo suxufiyiinta.
Xukuumadda Somaliland, oo xilligii ay mucaaradka ahayd si weyn ugu ololayn jirtay ilaalinta xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda, ayaa xukuumaddii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhaliili jirtay xadhigga iyo cadaadiska loo geysto wariyeyaasha.
Xisbiga mucaaradka ahaa ee Waddani ayaa xilligaas si joogto ah u cambaareyn jiray xadhigga saxafiyiinta, isaga oo xukuumaddii Muuse Biixi ku eedayn jiray inay xaddidayso xorriyadda saxaafadda.