
Arbaco, September 9, 2026 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in wax-ka-beddelka lagu samaynayo Dastuurka Federaalka Itoobiya uu faa’iido u leeyahay dadka Deegaanka Soomaalida.
Madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta dowladda Deegaanka ayaa sheegay in dib-u-eegista dastuurka ay ka horreeyeen wadatashiyo qaran oo laga soo ururiyey boqolaal talooyin ah.
“Waxa dhacay wadatashi qaran oo dib-u-eegis loogu samaynayay dastuurka, waxaana la soo jeediyay ilaa 400 oo talooyin ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe.
Waxa uu sheegay in ay jiraan dad uu ku tilmaamay kuwo dano siyaasadeed leh oo sheegaya in wax-ka-beddelka dastuurka lagu wiiqayo awoodaha siyaasadeed ee dowlad-goboleedyada, balse uu sheegay in arrintaasi ayna sax ahayn.
Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in natiijada wadatashigu ay noqotay in la xoojiyo nidaamka federaalka, isla markaana la sii adkeeyo aqoonsiga qowmiyadaha iyo luuqadahooda. Waxa kale oo uu sheegay in dastuurka lagu darayo luuqado cusub oo loo aqoonsanayo luuqadaha shaqada ee dalka Itoobiya, isagoo xusay in Af-Soomaaligu kamid yahay luuqadahaas.
“Taasi waxay muujinaysaa in aqoonsiga luuqadaha iyo qoomiyadaha la sii xoojiyay,” ayuu yidhi.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ayna wax dhib ah ku jirin in dastuurka wax laga beddelo kaddib muddo ku dhow 30 sano, isagoo tilmaamay in dastuurku u baahan yahay in dib loo eego marka duruufaha iyo baahiyaha dalka ay is beddelaan.
Dhanka kale, Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in kooxda TPLF ay ka dambayso qorshayaal looga soo horjeedo wax-ka-beddelka dastuurka. Waxa uu sidoo kale beeniyay in Xukuumadda Itoobiya ama Xisbiga Barwaaqo ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku maamulayaan geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.
“Xukuumadu iyadu awood badan kuma laha wax-ka-beddelka dastuurka. Xukuumadda iyo Xisbiga Barwaaqo waxay ahaayeen ka qaybgalayaal uun, sida xisbiyada kaleba uga qaybgaleen,” ayuu sheegay.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in waxyaabaha kasoo baxay geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka ay guud ahaan dan u yihiin Soomaalida Itoobiya.
Waxa uu tusaale u soo qaatay isbeddello uu sheegay inay meesha ka saarayaan saamayntii saraakiisha ciidamada ee aan deegaanka kasoo jeedin ay ku lahaayeen bulshada deegaanka.