
Arbaco, September 9, 2026 (HOL) - Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si adag ula dagaallami doonto burcad-badeednimada, afduubka iyo argagixisanimada, isagoo xusay in dadka lagu helo dambiyadaas lala tiigsan doono sharciga.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad-badeednimada iyo ka hortagga afduubka, kaas oo wasiirku sheegay inuu muddo ku dhow saddex sano soo marayay geeddi-socodka sharci-dejinta.
Xasan Macallin ayaa tallaabadan ku tilmaamay horumar weyn oo dhinaca sharciga ah, isagoo sheegay inay muujinayso sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay la dagaallanka dambiyada abaabulan iyo xoojinta ku dhaqanka sharciga.
“Burcad-badeednimada iyo argagixisadu waa laba ka mid ah dambiyada waaweyn ee abaabulan ee dalka laga galo, si isku mid ah ayaana loola dagaallami doonaa,” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka ayaa sheegay in burcad-badeednimadu aysan kaliya dhaawac u geysan sumcadda Soomaaliya, balse ay sidoo kale caqabad ku tahay amniga, nolosha shacabka, maalgashiga iyo horumarka dalka, gaar ahaan amniga xeebaha iyo badaha Soomaaliya.
“Burcad-badeednimadu waxay kamid tahay waxyaabaha lagu dhaawaco sumcadda Soomaaliya, waxayna caqabad ku tahay in dalka loo yimaado maalgashi iyo in laga faa’iidaysto kheyraadka badda,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in ansixinta sharcigan ay Soomaaliya u sahli karto inay si rasmi ah oo sharci ah ula dagaallanto afduubka iyo burcad-badeednimada, isla markaana ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca la dagaallanka dambiyada abaabulan.
Sharciga ayaa hadda u gudbaya marxaladda ugu dambeysa, iyadoo wasiirku sheegay in waxa ka dhiman ay tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ku soo saaro wareegto madaxweyne, taas oo uu rajo ka muujiyay inay si degdeg ah u dhacdo.
Wasiirka Cadaaladda ayaa sheegay in tallaabadan ay fariin cad u tahay gudaha iyo dibaddaba, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay doonayso inay noqoto dal ku dhaqma sharciga, ixtiraama xeerarka caalamiga ah, isla markaana diyaar u ah iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka dambiyada.