Soomaaliya oo Kenya kala shaqaynaysa sugidda xuduudaha iyo ka hortagga Al-Shabaab

Cabirka Farta

Soomaaliya oo Kenya kala shaqaynaysa sugidda xuduudaha iyo ka hortagga Al-Shabaab

Arbaco, September 9, 2026 (HOL) - Soomaaliya ayaa Kenya ka dalbatay in la ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinaca la-dagaallanka argagixisada, iyadoo xoogga la saarayo bulshooyinka ku nool xuduudda labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan digniin hore oo lagu ogaan karo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya iyo Kenya ay ku doonayaan in looga hortago in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iidaysato xuduudda dheer ee labada dal oo meelo badan aan si adag loo ilaalin, si ay ugu kala gudubto labada dhinac, uga qorto xubno cusub una dhisto shabakado taageero.

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaranka Soomaaliya ee La-dagaallanka Argagixisada iyo Ka-hortagga Xagjirnimada Rabshadaha wata (TUBSAN), Cali Yaasiin Gurbe, ayaa soo jeediyay in iskaashiga milatari iyo xog-is-weydaarsiga ee labada dal lagu daro barnaamijyo bulshada ku salaysan oo digniin hore ah.

Gurbe oo ka hadlayay shirkii shanaad ee Nairobi Caucus, ayaa sheegay in dadka ku nool deegaannada xuduudaha ay door muhiim ah ka qaadan karaan ogaanshaha dhaqdhaqaaqyada looga shakiyo kooxaha hubeysan, wargelinta hay’adaha amniga iyo ka hortagga in dhalinyarada loo qoro kooxaha xagjirka ah.

Wuxuu sheegay in maadaama Al-Shabaab ay dhaqdhaqaaqyadeedu ka gudbaan xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, ay muhiim tahay in labada dal ay yeeshaan hannaan wadajir ah oo aan ku koobnaan oo keliya howlgallada milatari.

Gurbe ayaa sidoo kale soo jeediyay in shirarka mustaqbalka lagu qabto deegaannada xuduudaha, halkii ay ku koobnaan lahaayeen caasimadaha Nairobi iyo Muqdisho. Sida uu sheegay, arrintani waxay fursad siin kartaa hay’adaha amniga inay si dhow u fahmaan caqabadaha ay wajahaan dadka deegaanka, halka bulshada la siin karo aqoon ku saabsan sida ay uga hortagi karaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay horey u wadday barnaamijyo digniin hore iyo wacyigelin bulsho, iyadoo dooneysa in khibradda iyo xogta ay la wadaagto Kenya si loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Gurbe ayaa Kenya ku tilmaamay saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya kala dhexeeya dano iyo caqabado amni oo isku mid ah, isagoo sheegay in labada dal ay u baahan yihiin inay si wadajir ah uga jawaabaan khatarta kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala xuduudaha.

Dhanka kale, agaasimaha Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaallanka Argagixisada (NCTC), Kibiego Kigen, ayaa sheegay in iskaashiga ka dhanka ah argagixisada uu sii ballaaranayo, ayna muhiim tahay in amniga mustaqbalka lagu saleeyo iskaashi dhex mara hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo ururrada diimaha.

Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalay ku dhowaad 200 qof oo ka kala socday 24 dal oo xubno ka ah ururrada gobolka, iyo sidoo kale hay’ado Qaramada Midoobay, ururro goboleed iyo saaxiibo caalami ah.