Soomaaliya oo ku baaqday dadaal goboleed oo mideysan oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo ISIS

Cabirka Farta

Soomaaliya oo ku baaqday dadaal goboleed oo mideysan oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo ISIS

Arbaco, September 2, 2026 (HOL) - Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa sheegay in xaaladda nuglaanta ee Soomaaliya, gaar ahaan khatarta joogtada ah ee ka imaanaysa Al-Shabaab iyo kooxda ISIS ay u baahan tahay  mideysan oo ka gudba xuduudaha dalalka.

Wasiiru-dowlaha oo wareysi siiyay majaladda Al Majalla ayaa sheegay in Soomaaliya ay si gaar ah u soo dhaweyneyso iskaashi dhow oo ay la yeelato waddamada Sacuudi Carabiya iyo Masar, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta xasilloonida, amniga iyo danaha wadajirka ah ee dalalka Carabta.

“Arrintu Soomaaliya uma taallo sameynta isbahaysi ama kordhinta xiisadaha, balse waxay ku saabsan tahay dhisidda iskaashi nidaamsan oo ku saleysan ixtiraamka madaxbannaanida iyo difaaca wadajirka ah,” ayuu yiri Cali Cumar.

Wuxuu sheegay in iskaashiga noocan ah uu diiradda saari karo la-dagaallanka argagixisada, sugidda amniga badda iyo ka hortagga faragelinta dibadda, gaar ahaan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa sidoo kale walaac ka muujisay tallaabooyin ay qaadeen dhinacyo shisheeye oo ay dowladda Muqdisho u aragto inay sii murjinayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wasiir Cali Cumar ayaa tusaale u soo qaatay aqoonsigii ay Israel siisay waxa loogu yeero Somaliland, isaga oo sheegay in tallaabadaasi aysan ahayn oo keliya “tilmaan siyaasadeed oo gooni ah”, balse ay leedahay saameyn istiraatiiji ah oo weyn, gaar ahaan marka laga eego amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Waxay leedahay cawaaqib istiraatiiji ah oo culus, mana adeegayso danaha guud ee Carabta,” ayuu yiri wasiirku.

Markii la weydiiyay sida isbahaysi ciidan oo cusub oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka gobolka uu uga caawin karo Muqdisho ilaalinta midnimada dhuleed, Cali Cumar wuxuu sheegay in wadahadallo arrintan ku saabsan ay socdaan.

Wuxuu tilmaamay in mas’uuliyadda ilaalinta amniga gobolka ay tahay mid ay wadaagaan dalalka ku yaalla Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.