Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo baaritaan ku bilaabay muuqaal muujinaya tacaddi loo geystay maxbuus Shabaab ah

Cabirka Farta

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo baaritaan ku bilaabay muuqaal muujinaya tacaddi loo geystay maxbuus Shabaab ah

Talaado, September 1, 2026 (HOL) - Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa bilaabay baaritaan hordhac ah oo lagu hayo xubno ka tirsan ciidanka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaal muujinaya tacaddi loo geystay maxbuus dagaal, xilli ay ciidamadu wadeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in falkaasi uu si cad uga hor imaanayo xeerarka anshaxa ciidamada, nidaamka ciidan iyo shuruucda caalamiga ah ee dagaalka, gaar ahaan kuwa la xiriira ilaalinta xuquuqda maxaabiista.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhammaan askarta uga digay inay ku kacaan falal noocan oo kale ah, isagoo sheegay in tallaabooyin sharci iyo ciidan oo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku xadgudubtay xeerarka dagaalka, xuquuqda maxaabiista iyo xuquuqda aadanaha.

Taliska ayaa sidoo kale xusay in baaritaanka socda lagu ogaan doono xaqiiqada dhacdada iyo cidda mas'uulka ka ah falka lagu muujiyey muuqaalka.

Si kastaba ha ahaatee, muuqaal maanta lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay maxbuus ka tirsan Alshabaab oo ay tacaddi xooggan u geysanayaan askar ciidanka dowladda ka tirsan, iyagoo bac madaxa u galinaya oo ku ceejinaya maxbuuska.

Muuqaalkan ayaa si weyn looga carooday, iyadoo ay soo baxeen baaqyo loo jeediyay dowladda oo ah in sharciga la horkeeno askarta falkaan foosha xun sameysay.