
Talaado, September 1, 2026 (HOL) - Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan cusub uu yahay mid lagu beddelay jadwalkii hore ee 25-kii July 2026, kaas oo doorashada lagu qorsheeyay in la qabto 20-kii Agoosto.
Sida uu dhigayo jadwalka cusub, maalinta codbixinta doorashada waxaa loo asteeyay 30-ka September 2026, iyadoo hawlaha doorashada ay bilaabanayaan horraanta bisha September.
Jadwalka GMDQS ayaa dhigaya in 2 September noqon doonto Shaacinta liiska hordhaca ah ee diiwaankada, 15 September ayaa ah Astaynta iyo shaacinta xarumaha iyo goobaha codbixinta halka 16ka September ay u qorsheeyeen Guddiga Diiwaangelinta iyo qaybinta kaararka codbixiyayaasha.
Jadwalka ayaa xusaya in 17 September ay noqon doonto Soo gudbinta iyo xaqiijinta liiska musharraxiinta Golaha Wakiillada iyo goleyaasha degmooyinka, 19ka Septemberna waa Shaacinta liiska kama-dambaysta ah ee codbixiyayaasha halka ay
30 September 2026 ay noqon doonto Maalinta codbixinta doorashada.
Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan uu ku saleysan yahay waajibaadka sharci ee GMDQS, gaar ahaan qodobbada 10-aad ee sharciga lagu dhisay guddiga iyo qodobka 18-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxaana loogu baaqay ururrada siyaasadda, shacabka reer Hirshabeelle iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada inay u diyaar garoobaan ka qeybgalka hannaanka doorashada.
HALKAAN HOOSE KA EEG JADWALKA GUDDIGA SOO SAARAY.
