
Khamiis, November 5, 2026 (HOL) – Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa la wareegi doona mas'uuliyadda buuxda ee amniga magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ciidamada Uganda ee muddo dheer ku sugnaa magaalada ay bilaabeen inay halkaas isaga baxaan, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdillaahi Cumar (Khaalid), ayaa sheegay in ciidamo Soomaaliyeed loo diyaariyey inay la wareegaan goobaha ay banneeyaan ciidamada Uganda, isaga oo xusay in cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka horayba uga hawlgeli jireen magaalada Baraawe.
Wareysi gaar ah oo uu siiyey BBC-da ayuu ku sheegay in bixitaanka ciidamada Uganda aanu ahayn mid si buuxda u saameynaya joogitaankooda Soomaaliya, balse uu ku kooban yahay goobo gaar ah oo ciidamada Soomaaliyeed ay kala wareegayaan mas'uuliyadda amniga.
"Ciidamada Soomaaliya ayaa horayba uga joogay magaalada Baraawe, haddana iyaga ayaa la wareegi doona, si buuxdana u sugi doona ammaankeeda," ayuu yiri Janaraal Sahal.
Wuxuu intaas ku daray in dib-u-habeynta iyo dhimista ciidamada Midowga Afrika ay qayb ka ahayd qorshayaashii hore ee howlgalka, isla markaana goobihii ay ciidamada AUSSOM hore uga baxeen ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo amni kula yeeshay magaalada Baraawe saraakiisha ciidamada qaranka, wakiillada AUSSOM, odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo xubno ka tirsan bulshada deegaanka.
Kulamada ayaa looga hadlay xaaladda amni ee magaalada iyo deegaannada ku dhow, qiimeynta khataraha amni, iyo xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada ku lugta leh sugidda amniga.
Taliyaha ayaa sidoo kale warbixinno ka dhegeystay saraakiisha ku saabsan howlgalada socda, isaga oo ciidamada faray inay sii xoojiyaan waajibaadkooda, kana hortagaan weerarrada Al-Shabaab si loo ilaaliyo shacabka iyo xasilloonida magaalada.
Uganda ayaa dhawaan bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qayb ka ahayd dadaallada militari ee lagu taageerayay dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.