
Arbaco, November 4, 2026 (HOL) – Taliyaha Ku-xigeenka Qaybta Labaad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Kornayl Daniel Musau, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, magaalada Kismaayo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), oo qayb ka ah howlgalka AUSSOM, iyo maamulka Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amniga, dadaallada xasilinta iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa hoggaanka ciidamada iyo maamulka deegaanka, si wax looga qabto caqabadaha amni ee ka jira gobolka.
Kornayl Musau ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xiriir joogto ah iyo wadashaqeyn dhow oo lala yeesho hoggaanka Jubbaland, si loo horumariyo yoolalka amni ee ka jira aagga howlgalka Qaybta Labaad.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulammo xiriir ah oo hoggaanka AUSSOM Sector II uu la yeelanayo madaxda iyo daneeyayaasha muhiimka ah ee Jubbaland, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay xoojinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta oo Soomaaliya ka dhalata.