
Arbaco, November 4, 2026 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalka ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada, kuwaas oo ka kala tirsanaa Wasaaradaha Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta iyo Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Wareegto uu saxiixay Ra’iisul Wasaaruhu maanta oo Arbaco ah, 4-ta Nofeembar 2026, ayaa lagu sheegay in xilalka laga qaaday Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Saciid Maxamed Maxamuud, iyo Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Fartuun Cabdiqaadir Faarax.
Go’aanka xil-ka-qaadista ayaa lagu sheegay inuu ku salaysan yahay qodobbada 120-aad, farqaddiisa labaad, iyo 117-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale Xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada iyo shuruucda dalka.
Sida lagu sheegay wareegtada, tallaabadan ayaa la xiriirta hannaanka daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo dowlad-wanaagga, iyadoo sidoo kale la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta habsami u socodka howlaha labada wasaaradood.
Xil-ka-qaadista ayaa dhaqan gashay kaddib markii uu saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, lama shaacin sababaha xubnahaan uu Ra'iisul wasaaraha xilka uga qaaday.