advertisements


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Ciribtirka Cudurka Dabaysha

Cabirka Farta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Ciribtirka Cudurka Dabaysha

Arbaco, November 4, 2026 (HOL)  – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha (SIPE), tan iyo markii si rasmi ah loo aasaasay guddiga.

Kulanka oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Maaliyadda, wakiillo ka socday dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka, oo ay ka mid yihiin WHO, UNICEF, Gavi, Africa CDC iyo Gates Foundation.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta adeegyada caafimaadka carruurta, gaarsiinta tallaalka carruurta aan weli helin, ciribtirka cudurka dabaysha iyo kordhinta maalgelinta gudaha. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta la ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah oo ku aaddan ciribtirka cudurka dabaysha, isaga oo carrabka ku adkeeyay in miisaaniyadda tallaalka loo qoondeeyo ay tahay inay keento natiijo la taaban karo, tallaalkuna gaaro ilmo kasta oo Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale xusay in waxqabadka guddiga lagu qiimeyn doono tirada carruurta la gaarsiiyo tallaalka, cudurrada laga hortago iyo heerka ay carruurtu u heli karaan tallaallada muhiimka ah.

Intii uu kulanku socday, warbixinno kala duwan waxaa soo jeediyey Gavi, UNICEF, Gates Foundation, Africa CDC, Wasaaradda Caafimaadka, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiil ka socday dowlad-goboleedyada.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu ansixiyey qorshe-hawleedka lixda bilood ee Guddiga Fulinta Isku-dhafka ah, kaas oo qeexaya masuuliyadaha hay’adaha kala duwan iyo waqtiyada loo asteeyey fulinta. Waxaa sidoo kale la isku raacay xoojinta maalgelinta gudaha, wada-shaqeynta wasaaradaha iyo isla xisaabtanka hay’adaha caalamiga ah.