
Arbaco, November 4, 2026 (HOL) – Dowladda Hindiya ayaa sii daysay 12 qof oo burcad-badeed Soomaali ah, kaddib markii ciidamadeeda badda ay hubka ka dhigeen, kana qaadeen taleefannadooda gacanta xilli ay hawlgal ku badbaadinayeen doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iiraan oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in 12-ka qof ee burcad-badeedda ah markii dambe la sii daayay, ayna gaareen xeebta Bandar Bayla ee gobolka Bari iyaga oo ay la socdaan laba ilaalo Soomaali ah.
Saddex ka mid ah dadka xeebta yimid ayaa qabay dhaawacyo fudud, hase yeeshee lama caddeyn cidda ay ahaayeen iyo sida ay ku dhaawacmeen.
Doonta kalluumeysi ee Azini iyo shaqaalihii saarnaa ayaa Isniintii lagu badbaadiyay Badda Carabta, kaddib hawlgal socday in ka badan 48 saacadood, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Hindiya.
Wasiirka Gaashaandhigga Hindiya, Rajnath Singh, ayaa sheegay in hawlgalka lagu soo furtay 20 shaqaale oo Iiraaniyiin ah, iyadoo doonta xilligaas ku sugnayd meel ka badan 3,000 oo kiiloomitir u jirta magaalada Mumbai.
Hawlgalka waxaa ka qayb qaatay markab dagaal, diyaarad sahamin badeed iyo ciidamo gaar ah oo tababaran. Sidoo kale, diyaarad nooca C-17 ah oo ay leedahay ciidanka cirka Hindiya ayaa hawada ka soo dejisay ciidamo dheeraad ah oo qayb ka qaatay howlgalka.