
Khamiis, May 7, 2026 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa si deg deg ah ugu baaqday in la joojiyo dagaal beeleed khasaare naf iyo maalba leh sababay oo ka dhacay deegaanka deegaanka Carmale ee hoostaga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Sandheere, ayaa sheegay in dagaalkan oo soo noqnoqday uu sababay khasaare weyn, isla markaana xukuumaddu ay shir degdeg ah ka gashay sidii loo joojin lahaa colaadda. Waxa uu tilmaamay in ciidamada kala duwan ee jiida ku sugan lagu amray in ay dhexdhexaadinta ka qaybqaataan oo ay kala joojiyaan beelaha walaalaha ah ee halka ku dagaalmaya.
Wasiirku waxa uu dadka deegaanka ugu baaqay in ay gacan siiyaan ciidamada kala duwan ee ka qaybqaadanaya qaboojinta colaadda, isaga oo ku adkeeyay in la baajiyo in nafo dambe ku dhintaan dagaalkan soo noqnoqday.
Maamulka gobolka Sanaag iyo saraakiil sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka ugu baaqay in si deg deg ah u kala dhexgalaan beelaha dagaalamaya, si looga hortago in colaadda sii xoogaysato.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamuud Raage Ibraahin, ayaa muujiyay murugada uu ka qabo dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay. Waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda, isagoo xusay in dhiigga Muslimku aanu sahlanayn, isla markaana dhimasho iyo dhaawac badan ay ka dhasheen dagaalka.
“Aad iyo aad ayaan uga xunnahay dagaalkan. Waa wax laga murugoodo in dad walaalo ah oo ehel ahi ay si foolxun isku dilaan. Dadku waxay ku dhinteen arrimo aan mudnayn in naf loo waayo. Waxaannu ugu baaqaynaa in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo,” ayuu yidhi guddoomiyuhu. Waxa uu intaa ku daray in maamulka gobolka iyo waxgaradka deegaanka ay wadaan dadaallo nabadeed iyo abaabul ergooyin xal ka gaadha colaadda.
Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 23 qof oo ku dhintay dagaalka loo sameeyay xabaal wadareed magaalada Carmale ee gobolka Sanaag, kuwaas oo ku naf waayay dagaalka. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in colaaddan ay salka ku hayso muran la xidhiidha dhul daaqsimeed iyo aanooyin hore oo u dhexeeyay labada dhinac.