Soomaaliya iyo Suudaan oo xoojinaya iskaashiga militari iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan

Cabirka Farta
Maqal
0:00
0:00

Soomaaliya iyo Suudaan oo xoojinaya iskaashiga militari iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan

Khamiis, May 7, 2026 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan laba geesood ah kula yeeshay Wasiirka Difaaca Suudaan, Xasan Daa’uud Kabruun, xilli ay ka qeyb galayeen Bandhigga Caalamiga ah ee Difaaca iyo Hawada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa wada shaqeynta militari iyo amni ee labada dal.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan howlgalada la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo waaya-aragnimada ay dalalkoodu u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada.

Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga tababarrada ciidamada, wadaagga xogta sirdoonka, iyo dejinta istiraatiijiyado lagu wiiqayo kooxaha hubeysan ee khatarta ku haya xasilloonida gobolka.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Suudaan ay wajahaan caqabado amni oo isku dhow, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo khibradaha militari iyo aqoonta amniga si looga hortago khataraha lidka ku ah nabadda iyo horumarka.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Suudaan Xasan Daa’uud Kabruun ayaa ammaanay horumarka ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna caddeeyay in Suudaan ay diyaar u tahay xoojinta taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday ballanqaad ay labada wasiir ku muujiyeen inay sii wadi doonaan wada-tashiyada iyo isku-duwidda arrimaha difaaca iyo amniga ee labada dal.