Trump oo sheegay in wadahadalada Maraykanka iyo Iran ay meel fiican marayaan

Cabirka Farta
Maqal
0:00
0:00

Trump oo sheegay in wadahadalada Maraykanka iyo Iran ay meel fiican marayaan

Khamiis, May 7, 2026 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo in heshiis laga gaadho colaadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran, isaga oo xusay in wada-hadalladii u dambeeyay ay ahaayeen kuwo “aad u wanaagsan”, isla markaana dagaalku “si degdeg ah ku dhammaan doono”.

Trump ayaa Arbacadii warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay in Iran ay “si weyn u doonayso heshiis”, balse uu carrabka ku adkeeyay in Tehran aan loo oggolaan doonin inay hesho hub nukliyeer ah.

“24-kii saac ee u dambeeyay waxaan yeelanay wada-hadallo aad u wanaagsan, waxaana suuragal ah inaan heshiis gaadhno,” ayuu yidhi Trump.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in heshiis la gaadho ka hor safar uu toddobaadka soo socda ku tagayo dalka Shiinaha. Hase yeeshee, wuxuu digniin u diray Iran, isaga oo sheegay in haddii wada-hadalladu fashilmaan ay dib u bilaabi doonaan duqeymaha militari.

“Haddii arrintu dhammaan weydo, waxaan dib ugu noqon doonaa inaan si xooggan u duqeyno,” ayuu Trump u sheegay PBS.

Dhanka kale, dowladda Iran ayaa hoos u dhigtay wararka sheegaya in heshiis dhow yahay, iyadoo sheegtay inay weli dib u eegayso qorshaha nabadeed ee Washington, kaas oo la sheegay inay dhex-dhexaadinayaan masuuliyiin ka socda dalka Pakistan.

Xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran ayaa weli cirka ku shareeran iyadoo ay jireen weerarro iyo hanjabaado is-daba joog ah oo khatar geliyay amniga gobolka iyo marinka muhiimka ah ee Hormuz todobaadkan.