
Arbaco, May 6, 2026 (HOL) - Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar, oo muddo dheer hormuud u ahaa dhaqdhaqaaqa Awdal State isla markaana dagaallo la galay Somaliland, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku dhawaaqay in uu ka noqday aragtidiisii hore, isla markaana uu aqbalay fikirka gooni-isu-taaga Somaliland.
Suldaanka oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dib ugu soo laabashadiisa Somaliland, isaga oo xusay in uu si gaar ah ugu mahadcelinayo Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in uu dadaal geliyay sidii uu Somaliland ugu soo noqon lahaa.
“Waxan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland oo wakhti badan igu bixiyay sidii aan waddanka ugu soo noqon lahaa. Xumaan umaan qabin reer Somaliland, balse waxa aan u halgamayay sidii wax loo sixi lahaa. Imikana waan soo noqday, bulshada kale dadkaygu jacaylka ay u qabaan Somaliland ayaaba ka badan,” ayuu yidhi Suldaan Wabar.
Dhankiisa, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo ka hadlay munaasibad soo dhawayn ah oo loo sameeyay suldaanka, ayaa sheegay in soo laabashada Suldaan Wabar ay tahay mid muhiim u ah midnimada iyo wadajirka Somaliland.
Wasiirku waxa uu fariin u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in aanay jirin wax kala qaybin kara Somaliland, isla markaana uu suldaanku hadda qayb ka yahay bulshada Somaliland, kana shaqayn doono horumarkeeda iyo wadajirkeeda.
Suldaan Wabar ayaa hore muddo dheer uga soo horjeeday Somaliland, isaga oo hoggaamin jiray dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo weerarro ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama.