
Arbaco, May 6, 2026 (HOL) - Dowladda Masar ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in la helo maalgelin ku filan oo joogto ah oo lagu taageero howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), si ay u gutaan waajibaadkooda amni ee dalka.
Arrintan ayaa timid kadib wada hadal dhanka telefoonka ah oo dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, iyo dhigiisa Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.
Masar ayaa muujisay walaac ku aaddan baahida dhaqaale ee howlgalka Midowga Afrika, iyadoo hore Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, uu sheegay in howlgalka uu u baahan yahay ku dhawaad 190 milyan oo doolar si uu si hufan ugu shaqeeyo.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, iyagoo isla qaatay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dal, si loo taageero amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Ugu dambeyn, labada wasiir ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wadatashiga iyo iskaashiga mustaqbalka, si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u bilowday bishii Janaayo 2025, kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay bishii Diseembar 2024.
Howlgalkan ayaa ujeedkiisu yahay taageeridda Soomaaliya si ay ula dagaallanto kooxda Al-Shabaab, isla markaana si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliya, qorshahaas oo la doonayo in la soo gabagabeeyo sanadka 2029.