
Talaado, May 5, 2026 (HOL) - Guddiga Qaranka ee Ka Hortagga Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee Soomaaliya ayaa soo saaray liis cusub oo cunaqabateyn maaliyadeed ah, kaas oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo shaqsiyaad lala xiriirinayo Al-Shabaab.
Liiskan oo ah kii saddexaad ee noociisa ah ayaa lagu sheegay inuu diiradda saarayo dad lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falal lagu tilmaamay kuwa baad ah, oo ay ka mid yihiin inay si qasab ah lacago uga qaadaan shacabka iyo ganacsatada.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in dadka liiska lagu daray ay doorar kala duwan ku leeyihiin Kooxda Al-Shabaab, sida ururinta lacagaha, cabsi gelinta ganacsatada, bixinta marmarsiiyo diimeed oo lagu sharciyeeyo baadda, iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka.
Guddigu wuxuu digniin adag u diray hay’adaha maaliyadeed, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka, isagoo uga digay inay wax macaamil ah la yeeshaan dadka ku jira liiska cusub iyo kuwii hore ee horey loo shaaciyay.
Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo la jarayo ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsan tahay, isla markaana ay barbar socdaan howlgallada militari iyo kuwa amni.