Maraykanka oo weeraray doonyo ay Iran leedahay, isagoo isku dayaya inuu xoog ku ilaaliyo maraakiibta maraysa marinka Hormuz

Cabirka Farta
Maqal
0:00
0:00

Maraykanka oo weeraray doonyo ay Iran leedahay, isagoo isku dayaya inuu xoog ku ilaaliyo maraakiibta maraysa marinka Hormuz

Talaado, May 5, 2026 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay burburisay toddobo doonyood oo ah nooca dheereeya  oo ay Iran leedahay, xilli xiisad militari ay ka taagan tahay marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, halkaas oo ay sidoo kale ka dhaceen weerarro lagu badhtilmaameedsaday maraakiib iyo xarumo shidaal.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay adeegsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters) si ay u weeraraan doonyahaas, kuwaas oo uu ku tilmaamay “intii u hadhay awoodda badda ee Iran”.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda Iran ayaa beenisay weerarkaasi, iyadoo wakaaladda Tasnim ay soo xigatay ilo militari oo sheegaya in laba markab oo rayid ah la garaacay halkii laga beegsan lahaa doonyo militari, taas oo la sheegay inay sababtay dhimashada shan qof oo rayid ah.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Maraykanku uu bilaabay howlgal uu ugu magac daray “Mashruuca Xornimada”, kaas oo lagu doonayo in maraakiibta ganacsiga ee ku xaniban Gacanka laga saaro marinka Hormuz, oo si weyn u xidhan tan iyo markii uu billowday dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran bishii Febraayo.

Shirkadda maraakiibta ee Maersk ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah maraakiibteeda oo wata calanka Maraykanka uu si nabad ah uga baxay marinka, isagoo helay ilaalin militari oo Maraykan ah, isla markaana dhammaan shaqaalihii saarnaa ay badqabaan.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegay in weerarro isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn lagu qaaday marinka Hormuz, iyadoo markab shidaal oo ay leedahay shirkadda ADNOC la beegsaday. Sidoo kale, dab weyn ayaa ka kacay dekedda shidaalka ee Fujairah kadib weerar la sheegay inuu ka yimid dhinaca Iran, halkaas oo saddex qof ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in xaaladda ka jirta marinka Hormuz ay caddeyn u tahay in aan xal militari laga gaadhi karin khilaafka jira, isagoo ku tilmaamay howlgalka Maraykanka ee mid sii adkeynaya xaaladda.

Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, ayaa lagu qiyaasaa in uu maro ku dhawaad 20% shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida, balse wuxuu inta badan xidhnaa tan iyo markii Iran ay xayiraada ku soo rogtay kadib weerarradii lagu qaaday dhulkeeda.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa si weyn u cambaareeyay weerarrada ka dhacay UAE, iyadoo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer ay ku baaqeen in la joojiyo colaadda isla markaana la ilaaliyo ammaanka gobolka.