Iran oo weerar ku qaaday warshad shidaal oo ku taalla dalka Imaaraadka Carabta

Cabirka Farta
Maqal
0:00
0:00

Iran oo weerar ku qaaday warshad shidaal oo ku taalla dalka Imaaraadka Carabta

Talaado, May 5, 2026 (HOL) - Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Iran ku eedaysay inay qaaday weerarro isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo sababay dab xooggan oo ka kacay warshad shidaal oo ku taalla magaalada Fujairah, isla markaana dhaawacay saddex qof oo u dhashay Hindiya.

Weerarkan oo dhacay Isniintii ayaa noqday kii ugu horreeyay ee UAE lagu qaado tan iyo markii xabbad-joojinta la gaadhay 8-dii Abriil, kadib dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka, Israa’iil iyo Iran.

Wasaaradda Difaaca ee UAE ayaa sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen tiro ka mid ah gantaallo ballistik ah, gantaallo kuruus ah iyo daroonis la sheegay in laga soo riday dhanka Iran. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UAE ayaa si adag u cambaaraysay weerarradaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo “argagixiso ah oo aan wax sabab ah lahayn” isla markaana lagu badhtilmaameedsaday goobo rayid.

Iran ayaa si degdeg ah u beenisay eedeymahaas, iyadoo warbaahinta dowladda ay soo xigatay ilo militari oo sheegay in uuna jirin qorshe hore oo lagu weerarayo xarumaha shidaalka ee UAE. Ilo ka tirsan Tehran ayaa ku dooday in dhacdadan ay ka dhalatay “falal militari oo Mareykanku ku doonayo inuu ku furo marinka Hormuz si sharci darro ah.”

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Mareykanka uu isku dayayo inuu ilaalin siiyo maraakiibta ganacsiga ee ku xayiran marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, halkaas oo uu muran xooggan ka taagan yahay. Iran ayaa hore uga digtay in ay beegsan doonto maraakiib kasta oo raacda ilaalinta Mareykanka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn lagu weeraray markab shidaal oo ay leedahay shirkadda ADNOC, balse aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.