
Khamiis, Juun 4, 2026 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Khamiistii doortay guddoon cusub oo hoggaamin doona Golaha Wakiillada, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed kadib markii uu helay 70 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdixakiin Fiqi, uu helay 25 cod, sida lagu dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, Aadan Xasan Maxamed (Osaama) ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad isagoo helay 82 cod, halka Cabdirisaaq Xuseen Aadan uu helay 12 cod, Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka Labaadna waxaa ku guuleysatay Shamso Maxamed Yarow oo heshay 72 cod, iyadoo Ahlaam Cumar Maxamed ay heshay 21 cod.
Doorashadan ayaa dhammaystirtay hannaanka soo xulista hoggaanka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, oo ah hay’adda sharci-dejinta ee maamulkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub, isagoo sheegay in doorashadu ka tarjumeyso horumarka geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.
“Waxaan kalsooni ku qabaa inay si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh u gudan doonaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan xoojinta shaqada Golaha Wakiillada iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu soo saaray.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka mid ah xilalka ugu muhiimsan ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo masuul ka ah hoggaaminta fadhiyada Golaha, jihaynta howlaha sharci-dejinta iyo isku xirka xiriirka u dhexeeya hay’adaha maamulka gobolka iyo dowladda federaalka.
Koonfur Galbeed, oo ay ka kooban tahay gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, ayaa door muhiim ah ku leh siyaasadda iyo amniga Soomaaliya. Gobolka ayaa sidoo kale kamid ah meelaha ugu waaweyn ee ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al shabaab.
Doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo isku khilaafsan arrimo ay ka mid yihiin nidaamka doorashada, wax-ka-beddellada dastuurka iyo qaabka awood qaybsiga dalka.