
Arbaco, Juun 3, 2026 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku eedeeyay inuu ciidamada qaranka u adeegsanayo arrimo siyaasadeed.
Shariif Sheikh Axmed ayaa shir jaraa'id ku sheegay in dowladdu ciidamo badan ay geeysay gurigiisa iyo agagaarkiisa xilli ay mucaaradku ku jiraan abaabul mudaharaadyo lagu qabanayo magaalada Muqdisho.
Shariif ayaa sheegay in mudaharaadku yahay xuquuq dastuuriyan la dammaanad qaaday, isla markaana aanay jirin cid awood u leh inay si sharci ah u mamnuucdo haddii uu u dhacayo si nabad ah.
“Ciidamada qaranka waxaa loo sameeyay difaaca dalka iyo la dagaallanka cadowga, mana aha in loo adeegsado cadaadis siyaasadeed,” ayuu yiri Shariif.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka taageerayaashiisa ah laga hor istaagay dhaqdhaqaaqooda, booqashooyinka iyo marin u helidda gurigiisa, tallaabooyinkaasi oo uu ku tilmaamay kuwo ka hor imaanaya xorriyadaha dastuuriga ah.
Hadalka madaxweynihii hore ayaa kusoo beegmaya iyadoo caawa qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ay ka jiraan xiisado colaadeed oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka. Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa xaafadaha ay deggen yihiin mucaaradka. Sidoo kale hoobiyayaal aan la ogayn cidda tuurtay ayaa waxyeelo u geysatay dad rayid ah.
Mucaaradka ayaa madaxweyne Xasan Sheikh ku eedeeyay inuu ku amray ciidamada Dowladda Federaalka inay mucaaradka guryahooda ku xayiraan si looga hor istaago mudaharaadka ay berito qabanayaan, kaasoo la filayo inuu ka xoog badan yahay kuwii hore.