
Arbaco, Juun 3, 2026 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre inuu abaabulay maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday xarun ay leeyihiin ciidamada booliska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay in kooxo hubeysan oo wejiyada soo duubtay ay ku lug lahaayeen dhacdo amni oo galabnimadii Arbacada maanta ka dhacday degmada Howlwadaag, taasoo dowladda ku tilmaantay mid khatar ku ah amniga caasimadda.
Sida lagu sheegay bayaanka, maleeshiyaadka ayaa watay hub culus, waxaana lagu eedeeyay inay si toos ah u beegsadeen xarun boolis. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in rasaas ay kooxdu adeegsatay ay ku dhacday xaafado ay degan yihiin dad rayid ah.
Mas’uuliyiinta federaalka ayaa cambaareeyay dhacdada, iyagoo sheegay inaan la aqbali doonin isku day kasta oo lagu carqaladeynayo shaqada hay’adaha amniga ama lagu wiiqayo xasilloonida Muqdisho.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga caasimadda, lagu carqaladeynayo shaqada ciidamada ammaanka, ama lagu abuurayo cabsi iyo qalalaase,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladdu waxay sheegtay in hay’adaha amniga ay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdada, iyadoo la ballanqaaday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd.
Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay weerar ku soo qaadday xilli uu hoygiisa kula shirayay ugaaska iyo odayaasha dhaqanka beesha Murusade.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in weerarku dhacay iyagoo isku diyaarinayay bannaanbax mucaaradku ku baaqeen inuu ka dhaco Muqdisho maalinta Khamiista.
