Somaliland iyo Maraykanka oo ka wadahadalay amniga Badda Cas iyo gobolka

Cabirka Farta

Somaliland iyo Maraykanka oo ka wadahadalay amniga Badda Cas iyo gobolka

Arbaco, Juun 3, 2026 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Devis, iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga gobolka, amniga marin-biyoodka Badda Cas, xog-isdhaafsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda.

Madaxweyne Cirro ayaa dowladda Maraykanka uga mahadceliyey wada shaqaynta uu rabo in uu la yeesho Somaliland, isaga oo sidoo kale bogaadiyey hindiseyaasha sharci iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda goleyaasha sharci-dejinta Maraykanka ee khuseeya arrimaha Somaliland.

"Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal nabdoon, dimuqraadi ah oo xasilloon, isla markaana ay tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo ay Maraykanku la yeelan karto iskaashi istaraatiiji ah" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhankiisa, Justin Davis ayaa ku ammaanay Somaliland nabadda, xasilloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hanaqaaday, isaga oo sheegay in Maraykanku danaynayo xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, amniga badda, maalgashiga, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta iyo tamarta.

"Waxa uu sidoo kale xusay in aan la iska indho-tiri karin horumarka Somaliland iyo doorka istaraatiijiga ah ee ay ku leedahay gobolka Geeska Afrika."

Maraykanka ayaa dhawaan sheegay in uu rabo in uu wada shaqayn la yeesho Somaliland, lakiin waxa uu sheegay in Somaliland ay ula macaamili doonaan sidii qayb kamid ah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.