
Arbaco, Juun 3, 2026 (HOL) - Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in ciidamada booliska ay galabta ka jawaabeen weerar uu sheegay inay soo qaadeen kooxo maleeshiyaad ah oo hubeysan, kuwaas oo bartilmaameedsaday barkontorool ay ciidamada ammaanku ku sugnaayeen.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo markii ay la kulmeen weerarka, islamarkaana ay qaadeen tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo waafaqsan sharciga si ay uga hortagaan falalka kooxahaas.
Sida uu sheegay, goobta la weeraray waxay ahayd meel muhiim u ah sugidda amniga shacabka, waxaana ku dhowaa xaafado iyo guryo ay degan yihiin dad rayid ah. Wuxuu xusay in kooxihii weerarka soo qaaday aysan kala soocin ciidamada iyo shacabka goobta ku sugnaa.
Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada boolisku ay ka hortageen khatartaas, isla markaana ay qaadeen tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah kooxihii uu ku tilmaamay maleeshiyaadka.
Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay u taagan yihiin ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka, islamarkaana ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid kasta ama koox kasta oo lagu arko falal lid ku ah nabadgelyada.
Wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday xarumaha booliska lagu adeegsaday hub culus oo ay ku jiraan qoryaha garbaha laga gano, taas oo uu ku tilmaamay arrin muujinaysa halista weerarka iyo saameynta uu ku yeelan karay amniga shacabka.
Gabagabadii, afhayeenka booliska ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan falalka noocan oo kale ah, isagoo caddeeyay in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan howlaha lagu ilaalinayo nabadda, xasilloonida iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.