Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Musharraxiinta Guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Cabirka Farta

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Musharraxiinta Guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Arbaco, Juun 3, 2026 (HOL) - Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska musharraxiinta u tartamaya xilalka Guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida ku cad war-saxaafadeedka guddiga, waxaa xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada u tartamaya laba musharrax oo kala ah Cabdixakiim Maxamed Faqi oo ka socda ururka Horumar iyo Midnimo Qaran iyo Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo ka socda ururka Caddaaladda iyo Wadajirka.

Dhanka Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, waxaa ku tartamaya Cabdirisaaq Xasan Aadan oo ka socda ururka Karaama iyo Aadan Xasan Maxamed oo ka socda ururka Caddaaladda iyo Wadajirka.

Sidoo kale, xilka Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad waxaa isku sharaxay Shamso Maxamed Yarow oo ka tirsan ururka Caddaaladda iyo Wadajirka iyo Axlaam Cumar Maxamed oo ka tirsan ururka Karaama.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in doorashadu u qabsoomi doonto si waafaqsan jadwalka, habraacyada iyo xeerarka lagu maamulayo doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyn lagu wargeliyay xubnaha Golaha Wakiillada, musharraxiinta, warbaahinta iyo bulshada inay la socdaan geeddi-socodka doorashada iyo jadwalka la xiriira.

Waxaa xusid mudan in maanta magaalada Baydhabo shahaadooyinka murashaxnimo lagu guddoonsiiyay murashaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.