
Arbaco, Juun 3, 2026 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal muddo kooban socday oo galabta ka dhacay agagaarka hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, iyadoo ay isku dhaceen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taageersan mucaaradka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isweydaarsadeen rasaas culus. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.
Dadweynaja ayaa la arkayay iyagoo ka barakacaya guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku sii fido xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa dowladda iyo mucaaradka.
Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay weerar ku soo qaadday xilli uu hoygiisa kula shirayay ugaaska iyo odayaasha dhaqanka beesha Murusade. Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in weerarku dhacay iyagoo isku diyaarinayay bannaanbax mucaaradku ku baaqeen inuu ka dhaco Muqdisho maalinta Khamiista.
Dhanka kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa mas’uuliyadda dagaalka dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay dhacdada mid muujinaysa cadaadis lagu hayo mucaaradka siyaasadeed.
Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa cambaareeyay weerar uu sheegay in lagu qaaday Khayre, isagoo sheegay in uu dhacay xilli uu shir kula jiray Ugaaska beesha Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde iyo waxgarad kale.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in weerarku uu qayb ka yahay, sida uu hadalka u dhigay, ficillo horseedi kara dhiig daata iyo qalalaase siyaasadeed. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhacdadani aysan joojin doonin bannaanbaxyada ay mucaaradku qorsheynayaan, isagoo ciidamada ammaanka ugu baaqay inaysan fulin amarro uu ku tilmaamay kuwo khaldan.
Ma jirto weli wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay oo ah in ciidamada dowladda ay weerareen guriga raysal wasaare Kheyre.
Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli mucaaradku wadaan abaabulkii ugu dambeeyay ee bannaanbax ay sheegeen inuu ka dhici doono Muqdisho maalinta Khamiista, kaas oo ay ku muujinayaan diidmadooda siyaasadaha dowladda Federaalka.