Horjoogihii Qaraxyada Al-Shabaab ee Hiiraan iyo 28 Xubnood Kale oo lagu dilay Howlgallo ka dhacay Hirshabeelle

Cabirka Farta

Horjoogihii Qaraxyada Al-Shabaab ee Hiiraan iyo 28 Xubnood Kale oo lagu dilay Howlgallo ka dhacay Hirshabeelle

Arbaco, Juun 3, 2026 (HOL) - Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa sheegtay inay fuliyeen laba howlgal oo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay 29 xubnood oo ay ku jiraan horjooge sare oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Gobolka Hiiraan.

Bayaan ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay goob qiyaastii saddex kiiloomitir koonfur kaga beegan deegaanka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo sida la sheegay lagu uruuriyay koox Shabaab ah oo gaaraysay ku dhawaad 70 xubnood.

Hay’addu waxay sheegtay in xubnahaasi loo qeybiyay hub kala duwan isla markaana ay wadeen abaabullo lagu carqaladeynayay amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe. Kadib markii la xaqiijiyay xogta sirdoonka, ayaa ciidamada NISA iyo saaxiibadooda caalamiga ah waxay qaadeen weerar ay ku dileen 23 xubnood oo ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay bayaanka.

Howlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo NISA ay sheegtay in lagu dilay shan xubnood oo kale iyo horjooge lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan, oo loo yaqaanay Cabdi Mudallib.

Sida ay sheegtay hay’addu, Cabdi Mudallib wuxuu ahaa horjoogaha qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan, waxaana lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa abaabulka iyo qorsheynta weerarro ka dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi.

NISA ayaa sheegtay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada socda ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoojisay howlgallada militari iyo kuwa sirdoon ee ka socda qaybo kamid ah dalka si loo adkeeyo amniga loona yareeyo awoodda Alshabaab.

Horjoogihii Qaraxyada Al-Shabaab ee Hiiraan iyo 28 Xubnood Kale oo lagu dilay Howlgallo ka dhacay Hirshabeelle