Kenya oo lumisay qayb ka mid ah suuqa qaadka Soomaaliya oo ay Itoobiya la wareegtay

Cabirka Farta

Kenya oo lumisay qayb ka mid ah suuqa qaadka Soomaaliya oo ay Itoobiya la wareegtay

Khamiis, Luulyo 9, 2026 (HOL) - Itoobiya ayaa sii xoojinaysa saamigeeda suuqa qaadka Soomaaliya, taasoo sababtay hoos u dhac ku yimid dhoofinta iyo dakhliga qaadka miraa ee Kenya saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, oo soo xiganaya xogta Hay’adda Beeraha iyo Cuntada Kenya (AFA).

Xogta AFA ayaa muujisay in dhoofinta miraaha Kenya ay hoos u dhacday 13%, iyadoo gaartay 692,000 kiiloogaraam intii u dhexeysay Janaayo iyo Maarso 2026, marka loo eego 795,668 kiiloogaraam isla muddadaas sannadkii hore. 

Dakhliga laga helay dhoofinta ayaa sidoo kale hoos ugu dhacay 3.09 bilyan oo shilin oo Kenya ah, halka uu sannadkii hore ahaa 3.56 bilyan, taasoo ka dhigan khasaare ku dhow 470 milyan oo shilin.

Warbixintu waxay sheegtay in hoos u dhacaas uu inta badan ka dhashay tartanka sii kordhaya ee Itoobiya, maaddaama ay juqraafi ahaan uga dhowdahay Soomaaliya, taasoo u sahlaysa inay suuqa gaarsiiso qaad cusub oo kharash gaadiidkiisu hooseeyo. 

Waxa kale oo ay xustay in go’aankii Soomaaliya ay sanadkii 2023 ku siisay dhoofiyeyaasha Itoobiya mudnaan ay si gaar ah suuqa u geli karaan 10 maalmood bishii uu sare u qaaday saamiga Itoobiya ee suuqa, arrintaas oo markaas dhalisay cabashooyin uga yimid beeraleyda Kenya.

Sida uu qoray Daily Nation, Soomaaliya ayaa weli ah suuqa ugu weyn ee rasmiga ah ee qaadka Kenya loo dhoofiyo, taasoo ka dhigaysa ganacsigaas mid si weyn ugu nugul isbeddellada siyaasadeed iyo tartanka dalalka gobolka.

AFA ayaa ku baaqday in Kenya ay ballaariso suuqyada ay u dhoofiso qaadka, oo ay ku jirto Jabuuti, isla markaana ay horumariso kaydinta iyo gaadiidka dalagga, kana shaqeyso heshiisyo ganacsi oo laba geesood ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta suuqa Soomaaliya.