
Khamiis, Luulyo 9, 2026 (HOL) - Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay khataraha ka dhalan kara roobabka la xiriira Super El Niño, kuwaas oo la saadaaliyay inay sababi karaan fatahaado, daadad iyo barakac, xilli dowladda ay sheegtay inay dardargelinayso qorshaha qaran ee u diyaar garowga masiibooyinka.
Kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, oo Khamiista maanta uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ay si wadajir ah u diyaariyeen Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).
Warbixinta ayaa lagu sheegay in saameynta Super El Niño ay halis ku tahay beeraha, xoolaha, wax soo saarka iyo amniga cuntada, iyadoo laga cabsi qabo fatahaado iyo daadad si weyn u saameyn kara deegaanno badan oo dalka ka tirsan.
Goluhu wuxuu sidoo kale falanqeeyay qorshe qaran oo lagu xoojinayo u diyaar garowga, tallaabooyinka ka hortagga iyo iskaashiga hay’adaha dowladda, si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta roobabka, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadinta shacabka, ilaalinta wax soo saarka beeraha iyo sugidda amniga cuntada.
Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay laba heshiis oo is-afgarad ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Jamhuuriyadda Hindiya iyo Jamhuuriyadda Turkmenistan, kuwaas oo ku saabsan xoojinta wadatashiyada siyaasadeed iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalkaas iyo Soomaaliya.