
Arbaco, Luulyo 8, 2026 (HOL) - Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska 35 urur siyaasadeed oo loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashooyinka isku sidkan ee Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo qeyb ka ah hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, ururradan siyaasadeed ayaa ku tartami doona kuraasta golayaasha deegaanka iyo heerarka kale ee doorashooyinka lagu qabanayo Galmudug, iyadoo geeddi-socodka uu daba socdo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diyaarinta goobaha codbixinta oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday deegaannada maamulkaas.
Shaacinta liiskan ayaa imaanaysa xilli Guddiga Doorashooyinka uu dardargelinayo diyaarinta doorashooyinka ka dhacaya Galmudug iyo maamullada kale ee dalka, kuwaas oo dowladda federaalku ku tilmaamtay tallaabo muhiim u ah u gudubka doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo geeddi-socodka uu weli wajahayo dood siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan oo ka imanaya qaar ka mid ah saamileyda siyaasadda Soomaaliya.
Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu baaqay ururrada siyaasadda, musharraxiinta iyo shacabka Galmudug inay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, isla markaana u hoggaansamaan shuruucda iyo habraacyada doorashada si loo xaqiijiyo doorasho hufan, nabdoon oo loo dhan yahay.
Liiska la shaaciyay waxaa ku jira 35 urur oo kala ah: Qaransoor, Waaberi, Barwaaqo, Qaran, Cadaaladda iyo Midnimada Tiir, Madalsan, Qaranka ee Dimuqraadiyadda Ah, Muwaadaniinta Soomaaliyeed, Dimuqraadiga Soomaaliyeed, Jiilka Cusub, Cadaaladda iyo Wadajirka, Dadka Soomaaliyeed, Nabadda iyo Cadaaladda, Midnimada Bulshada Soomaaliyeed, Iftiin Qaran, Karaama, SAAB, Qiimo Qaran, Dan-shacab, Cadaaladda iyo Badbaadada Muraad, Sincad, Hoggaan Qaran, Midnimada Shacabka, Socod, Dowlad Wanaagga Soomaaliyeed, Haldoor, Horyaal Qaran, Dhalinyarada Talo Qaran, Ramaas, Danguud, Hormar iyo Midnimo Qaran, Dib u Heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq, Badbaado Bulsho, Dhaqaaqa Soomaaliyeed iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed.