
Arbaco, Luulyo 8, 2026 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo saraakiishu sheegeen in lagu xaqiijinayay amniga isla markaana lagu burburiyay fariisimo ay isticmaalayeen dagaalyahannada Al-Shabaab sida ay baahisay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada, Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan ka sameeyay deegaannada Leego, Warta Madax Maroodi, Iidow Jalaat iyo Saaxweyn, Hawlgalkan ayaa diiradda lagu saaray sugidda amniga, ka hortagga dhaq-dhaqaaqyada kooxda iyo baaritaanno laga sameeyay goobaha muhiimka ah iyo waddooyinka isku xira deegaannada.
Dhanka kale, Ururka 251-aad ee Guutada 25-aad ayaa howlgallo sifeyn iyo burburin ah ka fuliyay deegaannada Shabeeley, Bangaley, Fay Yuusuf iyo Cismaan Dure oo hoostaga deegaanka Toora-tooroow.
Taliyaha Ururka 251-aad, Maxamed Xasan Abuukar (Dhaga-dheere), ayaa sheegay in ciidamadu ay burburiyeen fariisimo ay kooxda ka sameysan jirtay deegaannadaasi, isagoo intaa ku daray in howlgalladu ay ka hortageen qorshayaal lagu beegsan lahaa dadka rayidka ah.
Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollo kala duwan, iyagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay'adaha amniga oo ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaq-dhaqaaqyo laga shakiyo.