Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Dimishiq

Cabirka Farta

Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Dimishiq

Talaado, Luulyo 7, 2026 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, iyadoo mar kale ku celisay mowqifkeeda ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada nooc kasta oo ay tahay.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay si buuxda uga go'an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo argagixisada, isla markaana lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay garab istaaggeeda Dowladda iyo shacabka Suuriya, iyadoo tacsi u dirtay qoysaska iyo dhammaan dadka ay saameeyeen weerarka, isla markaana u rajeysay dhaawacyada caafimaad degdeg ah.

Warsaxaafadeedka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in sharciga la horkeeno dhammaan dadkii ka dambeeyay weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Dimishiq.

Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay laba qarax oo ka dhacay magaalada Dimishiq iyadoo xilligaasi uu wadada uu maray Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho ku tagay wadankaasi.

Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Dimishiq