Wasiir Fiqi: " Somaliland ayaan socdaal u nahay gaar ahaan caasimadda midnimada ee Laascaanood"

Cabirka Farta

Wasiir Fiqi: " Somaliland ayaan socdaal u nahay gaar ahaan caasimadda midnimada ee Laascaanood"

Talaado, January 13, 2026 (HOL) - Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana kooban wasiiro iyo xildhibaano, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Xoosh, waxaana ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jamaal Xasan, iyo wasiiro kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, halka ay wehlinayaan xubno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa bartiisa Facebook ku qoray "Waxaan ka ambobaxeynaa caasimadda Muqdisho innaga oo kusii jeedna magaalada Laascaanood ee caasimadda dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya."

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa isna sheegay "Somaliland ayaan socdaal u nahay gaar ahaan caasimadda midnimada ee Laascaanood, Mar kale ayay gobolladaas midnimada dalka xajiyeen, Soomaalinimada ayaa naga weyn oo naga badan."

Booqashada wafdigan ayaa ah mid hordhac u ah safarka la filayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ay ku tagaan Laascaanood, si ay uga qeybgalaan munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Firdhiye.