Madaxa Sirdoonka Itoobiya oo si lama-filaan ah booqasho ugu yimid Muqdisho

Cabirka Farta

Madaxa Sirdoonka Itoobiya oo si lama-filaan ah booqasho ugu yimid Muqdisho

Talaado, January 13, 2026 (HOL) - Madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS) Redwan Hussein ayaa booqasho lama-filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka diblomaasiyadeed ee ka jira Geeska Afrika.

Redwan Hussein ayaa fariin gaar ah oo uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, wax yar kaddib markii wafdiga Itoobiya uu ka soo degay garoonka Muqdisho.

Ilo warbaahineed ayaa sheegaya in waxyaabaha fariintaasi xambaarsaneyd aan si rasmi ah loo shaacin, mana jirto wax war ah oo ay ilaa hadda ka soo saareen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Intii uu joogay Muqdisho, Redwan Hussein waxa uu sidoo kale kulan la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Mahad Salaad, iyadoo kulankaasi ka dhacay xarunta dhexe ee NISA. Sidoo kale faahfaahinta wada-hadalladaasi lama shaacin waxyaabaha kasoo baxay.

Booqashadan lama-filaanka ah ayaa imanaysa kaddib kulan todobaadkii hore ka dhacay magaalada Jabuuti oo dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo muujinaysa in ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo qarsoon oo la xiriira xaaladda cakiran ee gobolka.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay tallaabadii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimid, maadaama ay Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya.