
Talaado, January 13, 2026 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaas Xalay lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed dukaankiisa ganacsi oo ku yaalay tuulada Greenbushes oo hoostagta magalada Port Elizabeth ee gobolka Eastern Cape.
Allah u naxariiste muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu dhex dilay goobtiisa gacansi ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiqani Hilowle Cabdikariin.
Dilka marxuumka waxaa geystay Burcad hubeysneyd oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo tiradoodu la sheegay iney ahayeen sadax nin, islamarkaana si deg deg ah uga baxsatay goobta.
Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sameeyay baaritaan la xariiray dilka marxuumka, hayeshee lama soo warin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.
Si kastaba ha ahaatee dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dila dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqa tagay, mana jirto cid wax ka qabaneysa dilalka iyo dhiibaatooyinka kale ee loogu gudaha dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana xusid mudan in dilka Muwaadinkan uu noqonayo kii sadaxaad oo sanad cusub dalkaas loogu geysto muwaadin Soomaaliyeed.