
Talaado, January 13, 2026 (HOL) - Puntland ayaa ka hortimid waxay ku tilmaantay faragelin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sameyneyso arrimaha amniga gudaha ee Puntland, iyadoo mar kale xaqiijisay in wada-shaqeynta ay la leedahay Imaaraadka Carabta (UAE) ay tahay mid sharci ah oo ku saleysan dastuurka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay Puntland soo saartay, ayaa lagu sheegay in Puntland ay waajib dastuuri ah u leedahay, sida ku cad Dastuurka Puntland iyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya (2012), gaar ahaan Qodobka 142-aad, in ay maamusho oo ay ilaaliso amnigeeda, oo ay ku jirto ilaalinta xuduudaha iyo la-dagaallanka argagixisada sida Daacish iyo Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka aysan haysan wax saldhig sharci ah oo ay ku farageliso heshiisyada amniga ee la xiriira mashruuca horumarinta Dekedda Boosaaso ama iskaashiga amni ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo wada-shaqeyntaas lagu tilmaamay mid sharci ah oo lama huraan ah.
Puntland ayaa sidoo kale muujisay walaac ku saabsan waxa ay ku sheegtay ku-xadgudubyo dastuuri ah oo soo noqnoqday oo ay sameyneyso Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, iyadoo ka digtay in falalkaasi ay horseedi karaan xasillooni-darro siyaasadeed isla markaana wiiqi karaan midnimada qaranka. Puntland waxay ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu ku laabto jid dastuuri ah oo ixtiraamaya awoodaha dowlad-goboleedyada iyo hay’adahooda.
Puntland ayaa xusuusiyay go’aankii ay qaadatay sanadkii 2023 ee ahaa in ay hakiso wada-shaqeyntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, taasoo ay sabab uga dhigtay ku tumasho joogto ah oo lagu sameynayo nidaamka federaalka iyo qaab-dhismeedka dastuurka. Inkasta oo ay mar kale xaqiijisay diyaar u ahaanshaha wadahadal.
Puntland waxay mar kale ku celisay go’aankeeda ah in ay sii wadeyso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta iyo shirkadda fulineysa mashruuca Dekedda Boosaaso, iyadoo sheegtay in wada-shaqeyntani ay taageereyso amniga, koboca dhaqaalaha iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
