
Talaado, January 13, 2026 (HOL) - Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo shacabkiisa ayaa si rasmi ah u muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan go’aankii Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii kala dhaxeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu adkeeyay in Soomaaliya ay tahay hal dal oo mideysan, madax-bannaan, isla markaana aan la kala qaybin karin, iyadoo dhammaan dhulkeeduna uu yahay hanti qaran oo aan laga goyn karin.
Maamulka ayaa sidoo kale ku tilmaamay sheegashooyinka ay wado Somaliland ee ku saabsan gooni-isu-taag ama madax-bannaani kuwo aan sal sharciyeed lahayn, kana hor imanaya Dastuurka Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah.
Bayaanka ayaa si gaar ah u tilmaamay in Dekedda Berbera ay tahay hanti qaran oo istaraatiiji ah oo ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna sharci-darro tahay in maamul goboleed ama maamul deegaan uu kaligiis ula heshiiyo dowlado shisheeye ama uu ka taliyo arrimaheeda iyada oo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Federaalka.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa xusay in, sida uu qabo Dastuurka, arrimaha siyaasadda dibadda, heshiisyada caalamiga ah, difaaca, amniga qaranka, hawada, dekedaha iyo hantida istaraatiijiga ah ay si gaar ah u hoos tagaan Dowladda Federaalka, isla markaana cid kasta oo ku tumanaysa awoodahaas ay halis gelinayso midnimada iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambayn, maamulka ayaa ku celiyay in go’aanka Golaha Wasiirradu yahay mid sharci ah oo lagama maarmaan u ah ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay si rasmi ah ula macaamilaan Dowladda Federaalka Soomaaliya marka ay timaaddo arrimaha qaranka.