
Talaado, January 13, 2026 (HOL) - Ururka Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, inay tahay dowlad madax-bannaan.
Qoraal rasmi ah oo ay saddexda urur u direen Midowga Yurub, laguna taariikheeyay 12-ka Janaayo 2026, kana soo baxay magaalada Brussels, ayaa lagu sheegay in tallaabada Israa’iil ay tahay mid sharci-darro ah oo si toos ah u jebinaysa shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan mabda’a madax-bannaanida dowladaha, midnimada dhuleed iyo xurmada xuduudaha caalamiga ah.
Warqadda ayaa lagu adkeeyay in aqoonsigaasi uu si weyn u wiiqayo midnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo OIC, isla markaana ah saaxiib muhiim u ah Midowga Yurub.
Sidoo kale, saddexda urur ayaa ka digay in go’aanka Israa’iil uu halis weyn ku yahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, maadaama uu horseedi karo colaado cusub iyo faragelin shisheeye oo milatari, isla markaana uu noqon karo tusaale khatar ah oo lagu wiiqo nidaamka caalamiga ah.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in tallaabadaasi loo arko mid qayb ka ah qorshe ballaaran oo xasillooni-darro ah, isla markaana lala xiriirinayo damac lagu doonayo in dhulka Soomaaliyeed loogu adeegsado qorshayaal Israa’iil ay ka leedahay barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiin.
Ugu dambayn, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo OIC ayaa ugu baaqay Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah inaysan wax xiriir ah la yeelan Somaliland, kana baxsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna cadaadis diblomaasiyadeed saaraan Israa’iil si ay uga laabato aqoonsigan sharci-darrada ah.