Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh ku Eedeeyay Hurinta Xiisadda Gaalkacyo, Kuna Baaqay Dib-u-Heshiisiin Qaran

Cabirka Farta

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh ku Eedeeyay Hurinta Xiisadda Gaalkacyo, Kuna Baaqay Dib-u-Heshiisiin Qaran

Arbaco, Agoosto 5, 2026 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoo tacsi u diray dadkii ku waxyeelloobay isla markaana ku baaqay in la joojiyo colaadaha iyo xiisadaha sii hurinaya amni darrada.

War-saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu masuul ka yahay, sida uu hadalka u dhigay, xaaladda siyaasadeed iyo rabshadaha hubeysan ee ka taagan qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Gaalkacyo.

Sheekh Shariif wuxuu sidoo kale sheegay in halkii awoodda dowladda lagu wajihi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ciidamada qaranka loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed, taas oo uu ku tilmaamay mid sii kala fogeynaysa bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan nabadda iyo wada noolaanshaha, isagoo ku baaqay in xal kasta lagu raadiyo wada hadal iyo dib-u-heshiisiin.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in dalka uu u baahan yahay xasillooni siyaasadeed, tanaasul iyo wadajir, si looga fogaado xiisado hor leh oo saameyn ku yeesha amniga iyo midnimada Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh ku Eedeeyay Hurinta Xiisadda Gaalkacyo, Kuna Baaqay Dib-u-Heshiisiin Qaran