
Arbaco, Agoosto 5, 2026 (HOL) - Maamulka Jubaland ayaa si kulul u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo hub uruurin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoo ku eedeeyay dowladda inay halis gelinayso amniga iyo xasilloonida magaalada.
War-saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in xilli ciidamada dowladda ay weli dagaal kula jiraan Al-Shabaab, ay tahay arrin laga xumaado in hub iyo saanad ciidan loo weeciyo deegaanno ay ka jirto nabad iyo wada noolaansho, halkii lagu xoojin lahaa furimaha dagaalka.
Jubaland waxay sheegtay in tallaabooyinkaasi ay khatar ku yihiin amniga shacabka isla markaana wiiqi karaan dadaalladii nabadeed ee sannadihii la soo dhaafay laga hirgeliyay Gaalkacyo.
Sidoo kale, Jubaland waxay bogaadisay maamulka Puntland iyo shacabka magaalada Gaalkacyo, iyadoo sheegtay inay ka hortageen, sida ay hadalka u dhigtay, qorshe lagu qalqal gelinayay amniga Puntland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha ku jira war-saxaafadeedka Jubaland.
